close
Jump to content

Yurub

Ka Wikipedia
BERJAYA
Kariirada Yurub

Yurub (Af Ingiriis: Europe; Af Carabi: أوروبا) waa qaarada ugu xigta dhinaca galbeed ee arliga weyn ee la isku yidhaahdo "Eurasia" kaasi oo ka kooban qaarada Aasiya iyo Yurub. Qaarada Yurub waxaa dhinaca waqooyi ka dhaca Bada Arktik, dhinaca galbeedka waxaa ka xiga Badweynta Atlaantik, dhinaca koonfureed waxaa ka dhaca Bada Mediterraniyan. Si kastaba ha ahaatee, dhinaca bari iyo koonfurbari qaarada Yurub waxaa inta ugu badan loo yaqaanaa Xadka Qaaradaha; taasi oo laga wado meesha qeybisa qaarada Aasiya iyo Yurub. Sida caadiga ah labada qaaradood ee Aasiya iyo Yurub waa kuwo isku-xidhan deegaan ahaan; waxaana badhtanka u dhaca wadano dhowr ah oo ka mid tahay wadanka Turkiga oo labada qaaradoodba ka tirsan.

Guud ahaan, qaarada Yurub waxay ku fadhidaa deegaan dhan 10,180,000 square kilometres (3,930,000 sq mi), ama 2% oogada sare ee Dhulka (taasi oo u dhiganta 6.8% dhulka aduunka). Dhinaca siyaasada, qaarada Yurub waxaa ku yaala ilaa 50 dowladood oo madax-banaan, kuwaasi oo wadanka Ruushka noqonayo kan ugu weyn ee ugu bulshada badan - taasi oo qiyaas ahaan noqon karta 39% dhulka qaarada iyo 15% bulshada qaarada. Dhinaca kale, qaarada Yurub waxaa ku nool dad dhan 740 million (qiyaastii ilaa 11% bulshada aduunka) tirokoob 2012.) Taariikh ahaan, qaarada Yurub waxay leedahay taariikh dheer oo ka soo bilaabanta wakhtiyadii ilbaxnimada ugu horeeysay, inkastoo dadka reer Yurub aad u horumareen markay bilaabantey kacaankii wershadaha.

Hordhac

Qaaradda Yurub waa mid kamida qaaradaha shanta ah juquraafi ahaan waa qarad u eeg ama jaziirad u eeg. Waxa ay dhererantay ilaa buuraha oral waa dhanka bari iyo Bada Qaswiin.

Wadanada

  1. BERJAYAAlbaniya
  2. BERJAYAAndorra
  3. BERJAYAAwstriya
  4. BERJAYAAyslaan
  5. BERJAYA Ayrland
  6. BERJAYABeljim
  7. BERJAYA Boland
  8. BERJAYA Bulgariya
  9. BERJAYA Burtuqaal
  10. BERJAYA Denmark
  11. BERJAYA Faransiiska
  12. BERJAYA Estoniya
  13. BERJAYA Finland
  14. BERJAYA Israaiil
  1. BERJAYA Giriiga
  2. BERJAYA Holland
  3. BERJAYA Hungari
  4. BERJAYA Islofaakiya
  5. BERJAYA Islofeeniya
  6. BERJAYA Isbaayniya
  7. BERJAYA Iswiidhan
  8. BERJAYA Jarmalka
  9. BERJAYA Iswisarland
  10. BERJAYA Makidoniyada Wuqooyi
  11. BERJAYAJamhuuriyadda Jek
  12. BERJAYA Kuruweshiya
  13. BERJAYA Latfiya
  14. BERJAYA Lekhtanishtayn
  15. BERJAYA Lithuaniya
  16. BERJAYA Luksemburg
  17. BERJAYA Malta
  18. BERJAYA Montenegro
  19. BERJAYA Norwey
  20. BERJAYA Romaniya
  21. BERJAYA San Marino
  22. BERJAYA Seerbiya
  23. BERJAYA Talyaaniga
  24. BERJAYA Yukrayn
  25. BERJAYA Bosniya iyo Hersegofina

Sidoo kale fiiri

Linkiyo Kale

Tixraac


Dalalka Yurub Qaarada Yurub
Albania  Andorra  Armania  Aserbiijaan  Awstriya  Belarus  Beljim  Boland  Midowga Boqortooyada  Bortuqaal  Bosniya  Bulgaria  Denmark  Estoniya  Faatikan  Faransiiska  Finland  Giriig  Holland  Hungaria  Isbania  Islofaakiya  Isloveeniya  Iswisarland  Iswiidhan  Jarmalka  Joorjiya  Kosofo  Kroatia  Latfiya  Liechtenstein  Lithuaniya  Luksemburg  Makedonia  Malta  Monako  Montenegro  Norway  Romania  Ruushka  San Marino  Serbia  Talyaaniga  Jamhuuriyadda Tashik  Turki