Aabe

Aabe ama Aabo ( Af Ingiriis: father) waa waalidka labka ah. Aabuhu waa mid ka mida tiirarka ugu muhiimsan ee qoyska Soomaaliyeed. Doorka aabuhu waa mid ku dhisan hiddaha iyo dhaqanka bulshada.
Waajibaadka bulshadu saarto aahaha waxa ka mida masruufka iyo ilaalinta qoyska. Dhaqankii reer miyiga, wuxuu masuul ka ahaa xoolaha, daaqsinka, iyo difaaca qoyska. Xilligan casriga ah wuxu badanaa masuul ka yahay dakhliga guriga iyo amniga qoyska. Wuxu sidoo kale ka qayb qaataa barbaarinta iyo tarbiyada caruurta. Aabuhu wuxu qoyska ku matalaa arrimaha qabiilka iyo xeerka Soomaaliyeed. [1]
Aabaha casriga ah ee kunool magaalooyinka ama qurbaha wuxuu la qaybsadaa hooyada daryeelka caruurta iyo shaqada guriga, wuxuuna ku dadaalaa inuu ugudbiyo caruurtiisa afkooda iyo dhaqankooda Soomaaliyeed.[2]
